Shirweyne ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canada iyo Ururweynaha ARDAA oo jagooyinkii ugu horeeyey ka bixiyey dhul ku yaal magaalada Lughaya.

Toronto(Ardaa) Urur weynaha ARDAA ee magaaladaTorontoee dalka Canada ayaa maalintii Axadii ee bishani ahayd 20 waxay qabteen shir weyn oo si heer sare ah loo soo diyaariyey. Shirkaasi waxa kasoo qayb galay boqolaal qof oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaasi kana soo jeeda beelweynta Gadabuursi ee ku nool dalalkaSomaliland,Ethiopiaiyo Djabouti.

Ujeedada shirkaasi ayaa ahayd mid lagu lafagorayo laguna taageerayo mawqifka beeshaasi ee ku wajahan arrimaha la xidhiidha nabad gelyada, horumarinta nolosha bulshada, iyo sidii xal loogu heli lahaa muran ka jira magaalada taariikhiga ah ee Saylac. Waxa kaloo halkaa lagu lafaguray sidii la isaga kaashan lahaa bilaabista iyo fulinta mashruuca dakedda Lughaya ee ururka ARDAA waayahanba faraha uu ku hayey.

ARDAA oo xaflad Taariikhi ah ku qabatay Hargeisa

(Ardaa Hargaysa)Gudiyada sare ee boardka iyo maamulka ururweynaha ARDAA ee dhawaan lagu dhisay magaalada Borama oo ay weheliyaan qaar ka mida maxdax ARDAA North America ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ku qabtay Hotel Safari oo ku yaalla magaalada Hargeisa maalintii Jimcihii ee Ramadaan 15dii, August 3dii, 2012.

Shirweynihii ARDAA oo furmay iyo Dhismaha dekeda Lughaya oo lagaga Hadlay

ARDAA(Borama) 12 July 12–Shirka Balaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo yagleeli lahaa, isla markaana loo dhisi lahaa deked cusub oo kaluumaysi oo laga dhiso magaalo xeebeeda Lughaye, ayaa manta lagu qabtay Hutelka RAYS ee magaalada Boorama. shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiro ka socda MaamulkaSomaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka Beeraha, Wasiirka Dib u dejinta, Masuuliyiinta Ururka horumarinta ee ARDAA,Maamulka Gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama, Madaxdhaqameedo, Aqoonyahan, Qurbajoog, Haween iyo marti sharaf kale oo fara badan. Shirkan oo Agaasinkiisa iyo qabanqaabadiisa ay lahaayeen madaxda iyo masuuliyiinta Ururka Horumarinta ee ARDAA oo ah Urur ay leeyihiin qurbajooga reer ADAL ee degen W/Ameerika ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boorama ee G/Awdal.

Ururka ARDAA Oo La Kulmay Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland, Wasiiro Iyo Xubno Katirsan Golaha Wakiilada ​Iyo Guurtida

June 9, 2012 Hargeysa(Ardaa.com) – Waxaa kulan wada yeeshay  QURBAJOOGATA  ururka ARDAA ee ku sugan Somalilan    oo qorshahoogu yahay dhaqaajinta iyo  dhisida  dekeda lughaya. kulankaa madaxwayne ku xigeenka ay wada yeesheen  ayaa ahaa  la isla soo qaaday arrimo badan oo ay ka mid tahay dhismaha dekeda Lughaya, Run ahaantii  si heer sare ah ayaa  laysku  afgartay dhisida dekeda lughaya.  Madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Saylici  khudbadiisi kadib waxa ka dabo hadaly  qaar kamida Wasiirada Xukumada Somaliland ,xildhibanada ,guurtida  waxii fahfahina waaad naga heli doontan.

xafiiska  ARDAA BORAMA 0015672559111,xoghaynata xafiiska  Rahma 0025224458184 ardaaborama@gmail.com Ardaa Borama

Lughaya port development Project .

 Awdal Resources & Development Assistance Association           (ARDAA)   Lughaya Port Development Project

Executive Summary:
ARDAA is a non-profit, community-based organization established to utilize the available local resources, the economic potential of the Diaspora and solicitation of resources from philanthropic organizations and governments, to implement projects that can reverse the shrinking economic trend of Adal and the surrounding area. ARDAA achieves its mandate by empowering the community,

Ogeysiis Muhiim ah oo ku saabsan shir uu ururka Ardaa ku qabanayo Borama.

Adal Resources & Development Assistance Association (ARDAA)

 

Urur weynaha ARDAA wuxu ogeysiinayaa, si sharaflena uga codsanayaa, jaaliyadaha kasoo jeeday cariga ADAL, inay kasoo qayb galaan shir sanadeedkii ururka oo sandankan 2012ka ka dhici doono dalkii hooyo, Borama, taariikhda July 10-13, 2012.